Waxaa maanta lagu dhawaaqey xukunka wariye c/casiis koronto iyo haweeney sheegtey in la kufsadey,iyadoo laga siidaayey xukunka xariga ah ee luul cali cismaan ay hore ugu xukuntey hal sano.
Halka wariye c/casiis koronto maxkamaddu ku xukuntey lix bilood oo xarig ah,taas oo u muuqata garsoor maskax gubtey,oo aan laheyn fikir degen in shacabka soomaaliyeed nasiib u heleen,sababtoo ah go’aanka maxkamada waxey wariyaha u cuskatey in uu marin habaabiyey luul cali cismaan,taas oo aan dhab aheyn waayo wariyaha war ayaa loo soo sheegey mana faafin hadiise uu luul marin habaabiyey maxey luul ku muteysatey in sharafkeedi meel looga dhaco oo waliba la handado sida ay iyadu sheegtey.
Luul cali cismaan ayaa sheegtey in aaney maanta ku faraxsaneyn siideynta maxkamadu siideysey balse ay dalbaneyso magdhaw in la siiyo hadii kale ay alle ku dacweyneyso maadaama aysan caddaalad u jeedin.
Xukunka maxkamada racfaanka ayaa kusoo beegmaya xili madaxweynaha soomaaliya uu dhawaan sheegey in sharaf dhac ay kala kulmeen kiiska wariye c/casiis koronto iyo gabadha dhibanaha aheyd dhibkana loogu sii darey ee luul cali cismaan.




