Maamulka xubin iyo xeeb ee uu hugaamiyo m/weyne tiicey ayaa albaabada isgu dhuftey isagoon la imaan wax sababa,waana nasiib darro maamul warbaahinti isaga soo barbaarisey isla markaana bulshada barey in maanta uu la yimaad fekredo qalafsan iyo hadalada reer galbeedka iyo gaaladu ay islaamka kula dagaalamaan.
Shaki kuma jiro in inta maamul sheegeyneysa ee kasoo horjeesta idaacadda al-ixsaan ama isku daya in ay afka qabtaan kheyrka iyo qur’aanka kariimka ah ee al-ixsaan ka baxaya waa mid isagu guul dareystey waxbana kama dhibeyso beenta iyo dacaayada uu wado hagafey iyo inta la hal maasha.
Agaasimaha idaacada sharmarke maxamed maxamuud farey oo warbaahinta muqdisho la hadlayey ayaa sheegey in ay ku kalsoonyahey awooda allaah tooda iyo tan shacabka dhegeysan jirey idaacada al-ixsaan ee magaalada cadaado.
Maamulka xubin iyo xeeb ayaa dhawaan muqdisho keeney rag ay ku sheegeen in ay burcadbadeed kasoo bixiyeen doonayaana in ay si nabada kula noolaadaan shacabkooda taas oo caalamka looga arkey in maamulka xubin iyo xeeb iyowaliba burcadbadeedku ay shirko hore u ahaayeen balse hadda tabari u runsheegtey,iyagoo taas ka duulayana ay talaabadii labaad ee qandaraaska ay shacabka qeybahiisa ay ku ugaarsanayaana ay noqotey idaacadda al-ixsaan ee cadaado.
Inta badan maamulada ka jira dalka soomaaliya ayaa ka xishooda in ay shacabkooda iyo qeybaha bulshada danahooda ka horyimaadaan,hase yeeshee waa la arki doonaa waxa ay dhaxlaan maamulka tiicey iyo hagafey ay hor boodayaan.




