Kiiska wariye c/casiis koronto iyo gabar la eedeysaneyd oo mar kale maxkamada racfaanku dib u dhigtey loona balamey axada soo socota insha allah.

0
536

Waxaa maanta mar kale maxkamadda racfaanku dhageysatey dacwada wariye c/casiis koronto iyo gabar la eedeysneyd oo sheegtey in la kufsadey,wariyuhuna uu wareystey,hase yeeshee labaduba dhexda u galey arin la siyaasadeeyey una muuqata in lagu dhiirigelinayo dulmiga sababtoo ah waxaa jira kiisas badan oo kufsi ah kadib markii la xirey lana xukumey wariyaha iyo gabadhi la kufsadey,mana jirto cid ka hadashey iyo qof loo soo qabtey.

Markii maanta xeer ilaalinta oo ku adkeysaneysa in kiiskan la been abuurey ay eedeeda soo jeedisey isla markaana qareenada c/casiis koroto ay difaaceen maxkamaduna dhageysatey marqaatiyaal cadeynaya in gabadhan la kufsadey dadkuna ay filayeen in maxkamada racfaanku xaqa ku dhawaaqdo sheegtana in ay barii ka yihiin wariye c/casiis koronto iyo gabadha dhibanaha ah ayaa garsoorihii maxkamadu sheegey in kiisku uu aad u culusyahey,sidaas awgeedna waqti loo baahanyahey,ayna maxkamadu ku dhawaaqi doonto go’aankeeda kama danbeysta ah.

Dad badan oo soo xaadirey dhageysiga maxkamada ayaa waxaa tuhun kale geliyey hadalka garsooraha ee sheegaya in kiisku culusyahey,islamarkaana uu waqti u baahanyahey taas oo u muuqata in kiiskani uu yahey mid garsoorku uusan u madaxbanaaneyn,golayaasha dawlada iyo madaxtooyaduna ay ku lug leeyihiin,wax kastana la filan karo axadda hadii alle idmo.

Markii garsooruhu sheegey in axada leysu soo noqonayo ayaa wariye c/casiis koronto aad u qiiroodey kuna qeylyey ma garanayo danaha laga leeyahey waxan leygu heysto anigu siyaasi ma ihi mana sameyn waxa leygu heysto waxeyna doonayaan in aan iska xirnaado maalinba maalina ay qabtaan isago caro awgeed ilmo kasoo qubatey indhihiisa,waxaase asxaab badan oo diyaar ula ahaa tahniyad iyo hambalyo hadii go’aanku sida kale u dhici lahaa ay ku qanciyeen wariye c/casiis koronto in uu dulqaato uuna sugo mudada yar ee axada naga xigta insha allaah.