Banaan Baxyo ballaaran oo looga soo horjeedo Dilkii loo geestay dhawaan Sheekh C/qaadir Gacameey ayaa maanta waxuu kadhacay Magaalada Garoowe ee Puntland
Boqolaal dad ah ayaa isugu soo baxay wadooyinka waaweyn ee Magaalada Garoowe halkaasi oo ku socdaal ku marayen wadoyin iyagaoo ku dhawaaqaye erayo ka dhanAl-Shabaab.
Madaxda maamulka Puntland C/raxmaan Sheekh Maxamed Faroole ayaa waxa uu kaqeyb qaatay dibadbaxa yaasha isugu soo baxay wadooyinka magaalada Garoowe iyadoo shacabka iyo qeybaha kala duwanee bulshada ay shacabka uga soo horjees teen Dilalka aan loo meeldayin ee lala beegsado dadka bulshada waxgalka u,ah
Sidoo kale Madaxweynaha maamulka Puntland oo halkaasi ka hadlay ayaa sheegay in maamulkiisa uu si adag ula dagaalami doono Dhaqdhaqaaqa Al-Shabaab mardambane aysan dhici doonin in ladilo masuuliyiinta iyo culimaada Soomaaliyeed (W/D) Axmed Cabdi Axmed {Axmed Saacid}




