Wararka naga soo gaaraya magaalo xeebeedka kismaayo oo la filayey in shirweyne maamul loogu sameeyo jubooyinka ayaa waxaa ku yimid dib u dhac,waxaana dib loo dhigey ilaa isniinta soo socoto hadii eebe idmo.
Dib u dhaca shirka ayaa waxaa sabab u ah baa lagu soo waramayaa in ay tahey ka qeyb galka xukuumada dr saacid oo lagu wadey in ay wafdi u dirto kaas oo goob joog u noqondoono sida wax u dhacayaan,waxaana la filayaa in ra’iisalwasaaruhu ka qeybgalo,sidaas darteedna shirka loo hakiyey si dawlada dhexe shirka uga soo qeyb gasho.
Waa marki ugu horeysey ee lagu dhawaaqo dib u dhac shirka kismaayo ku yimid waxeyna ku beegmeysaa iyadoo wali shaki laga qabo sida hawlaha jubooyinku u socdaan iyo cidda ay ka amar qaataan,iyo halka ay hoostagaan iyo doorka dawladu ku leedahey.




