Maamulka gobolka banaadir ayaa magaalada muqdisho ku baahiyey nalalka solarka ah,ee ku shaqeeya iftiinka qoraxda,nalalkan oo tijaabo ahaan loogu sameeyey wadada maka almukarama ayaa waqtigan laga dareemayaa magaalada daafaheeda.
Waxaa waqtiyadan hawlaha nalalka muqdisho ka socdaan wadada wadnaha oo isku xirta sanca ilaa iyo tiribuunka taas oo caawa u muuqata mid kasoo kabatey dhaawacyadi iyo dhibaatadi ay u geysteen dagaaladii sokooye iyo kuwi lala galey itoobiya markii ay duulaanka ku yimaadeen muqdisho 2007di.
Maamulka gobolka banaadir ee uu hugaamiyo maxamud axmed nuur tarsan ayaa muqdisho ku dadaalaya in uu wax ka badelo muuqaalka caasimadda muqdisho,iyagoo ku heley amaan iyo bogaadin bulshada ka imaaneysa,waxaana beryahan leysla dhexmarayaa in madaxweyne xasan sheekh uu gobolka banaadir isku shaadheyn iyo maamul cusub u soo wado,kaasoo aan la ogeyn sida shaqadiisu noqondoonto soomaaliduna ninka hawl karka ah kama hesho oo wuxuu yeeshaa cadaw badan,waana xaqiiq in gudoomiye tarsan uu wax weyn ka qabtey magaalada muqdisho,xag maamul iyo xag shaqoba.




