Wararka naga soo gaaraya gobolka Mudug ayaa sheegaya in qarax khasaare geystay uu ka dhacay waqooyiga magaalada Gaalkacyo ee gobolkaas.
Qaraxa ayaa ahaa bam gacmeed lagu weeraray gaari uu socday dambi baaraha saldhigga dhexe ee waqooyiga Gaalkacyo ee Puntland Cabdi Mahad Xuseen Afrax (Gaandi Boonbale).
Wararka ayaa sheegaya in sarkaalka la weeraray uu dhaawac soo gaaray isaga iyo laba qof oo kale, sida ay innoo xaqiijiyeen ilo dadka deegaanka ah.
Sidoo kale waxaa goobta gaaray ciidamo ka tirsan kuwa ammaanka oo sameeyay howlgallo lagu baadi goobayo raggii ka dambeeyay weerarkaasi qaraxa loo adeegsaday.
Gaalkacyo oo u kala qaybsan maamullada Galmudug iyo Puntland ayaa waxaa inta badan ka dhaca falal ammaan darri oo isugu jiro dilal qorsheysan iyo weeraro qaraxyo ah.