Qarax Maanta Ka Dhacey Magaalada Gaalkacyo oo Warar Dheeraad ahi Kasoo Baxayaan.

0
527

Warar dheeraad ah ayaa ka soo baxaya qarax subaxnimadii hore ee saakay ka dhacay Waqooyiga magaalada Gaalkacyo.

Qaraxa ayaa lagu xiray Gaari uu lahaa Taliyaha Saldhiga Bartamaha  waqooyiga magaalada Gaalkacyo ee Puntland Cabdiqani Jaamac Axmed  (Xabuun), qaraxa ayaana la doonayay in lagu dilo taliyaha.

Wararku waxaa ay sheegayaan in Gaariga inta uusan gudaha  taliyaha la ogaaday in uu qarax ku xiran yahay, waxaana uu intaa kaddib la war galiyay laamaha  Amaanka kuwaa oo ku guuleystay  in dadka ka fogeeyaan halka uu yaalay  gaariga qaraxa lagu xiray.

Daqiiqado kaddib waxaa qarxay Gaariga, waxaana la sheegay in uusan jirin wax khasaaro ah oo ka  dhashay qaraxan saakay ka dhacay Waqooyiga magaalada Gaalkacyo.

Ciidamada Booliiska Waqooyiga magaalada Gaalkacyo ayaa bilaabay baaritaano lagu ogaanayo cida gaariga qaraxa ku xirtay, waxa uuna taliyaha qaraxa ka  bad baaday sheegay in gaariga qaraxa loogu xiray uu yaalay barxada  gurigiisa.