Dhaq Dhaqaaqyo Ciidamo Itoobiyaan ah oo Ka Jira Agagaaraha Baydhabo Iyadoo Isgaarsiintana La Hakiyey.

0
512

Wararka ka imanaya deegaanno ka tirsan Maamulka Koonfur Galbeed ayaa sheegaya in isgaarsiintii aysan shaqaynayn iyadoo dhinaca kale ay jiraan dhaqdhaqaaqyo militari oo ka socda waddada u dhaxaysa magaalada Baydhaba iyo Buurhakaba.

Ma cadda shaqadii isgaarsiinta hakadku ugu yimid,  hase yeeshee ilo dhinaca amniga ah ayaa sheegay inay la xiriirto  dhaqdhaqaaqyada dhinaca amniga oo ay ku lug leeyihiin ciidamada maamulka  iyo kuwa Itoobiya ee ka midka ah hawlgalka AMISOM.

Maalintii shalayna qarax ka dhacay degaanka Lughabare oo u dhow  magaalada Buurhakaba ayaa waxaa ku dhintay askari ka tirsan ciidamada  Itoobiya.

Qaraxaas ayaa la sheegay in ay  ku dhaawacmeen saddex kale oo ka mid ah ciidamada Itoobiya.

Ciidamada la bartilmaameedsaday ayaa ka soo socday dhinaca Buurhakaba, waxaana la sheegay inay maanta u suurta-gashay in ay safarkooda sii  wataan kadib qaraxa shalay galab.