Guddigan uu u magacaabay ra’iiusl wasaaraha Soomaaliya in ay ka shaqeeyaan qaban qaabada,sanadguuradii 59,aad ee ka soo wareegatay xorriyadda,midnimada iyo dhalashada Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliyeed,kaasi oo ka kooban 7 xubnod.
Halkan ka akhriso magacyada guddiga:
1: Maxamed Cabdi Xayir Maareeye,Wasiirka Warfaafinta -Guddoomiye.
2: Cabdiraxmaan Ducaale Beyle, Wasiirka Maaliyadda -Xubin
3: Xasan Cali Maxamed,Wasiirka Gaashaandhigga -Xubin.
3: Maxamed Abuukar Islow Ducaale, Wasiirka Amniga Gudaha -Xubin.
4: Khadiijo Maxamed Diiriye ,Wasiirka Dhalinyarada iyo Ciyaaraha -Xubin.
5: Deeqa Yaasiin Xaji Yuusuf ,wasiirka haweenka iyo xuquuqul insaanka -Xubin.
8: Bashiir Axmed Cusmaan, Agaasimaha golaha Wasiirrada iyo Xariirka Baarlamaanka -Xubin
Shaqada ay qabanayaan ayaa ah;
1: In ay qaban-qaabiyaan xuska munaasabadda xoriyadda 26 June iyo 1 Luuliyo.
2: In ay si siman u xiriiriyaan hay’adaha qeybta ku leh qaban-qaabada maalmaha xorriyyadda.
3: In ay jaan-gooyaan kharashaadka ku baxaya xuska maalmaha xorriyadda.
4: In ay magacaabaan guddi hoosaad farsamo ee abaabulka maalmaha xorriyadda.
5: In ay sugaan amniga goobaha kala duwan ee lagu qabanayo munaasabadaha 26 June iyo 1-da Luulyo 2019.












