Khaatka wuxuu ka mid yahay waxyaabaha ay Soomaalida sheegeen inuu dhibaato ba’an ku hayo bulshada, inkastoo dad badan ay cunaan.
Dhaqaatiirta qaar ayaa aaminsan inuu leeyahay cudurada maskaxda ku dhaca. Sidoo kale wuxuu dhibaato ku yahay dhaqaalaha.
Haddaba, mid ka mid ah xubnaha golaha deegaanka Wajeer ayaa qorsheynaya in mooshin ka dhan ah Khaatka uu u gudbiyo golaha uu xubinta ka yahay.
Rashiid Maxamuud Qarshe ayaa sheegay in uu doonayo in dad waynaha ay ka qeybgalaan mooshinkiisa ka dhanka ah khaatka.
“Wuxuu dhib ku yahay dhaqaalaha reer Wajeer, lacagtii Wajeer waxay ku qulquleysaa beeraha khaatka,” ayuu u sheegay BBC Soomaali.
Wuxuu u arkaa in khaatka aysan wax faa’iido ah ka helin dadka magaaladaas ku nool, marka laga reebo in ay iyaga lacag u safriyaan meelaha uu ka soo galo.
Wuxuu sheegay: “Waxaan aragnay qof toban neef oo ari ah ama geel ah ku dhameeyay khaat, siduu u gadayay”.
Horey waxaa u socday olole ka dhan ah khaatka oo laga sameeyay Soomaaliya iyo qurbaha, inkastoo badankooda aysan hirgelin.
Beeraleyda Khaatka ee Kenya waxay dhaqaale badan ka heli jireen dalalka Yurub oo mamnuucay. Britain oo ugu dambeysay ayaa khaatka ku tilmaamtay daroogo.
Laakiin dhanka deegaannada Soomaalida, waxaa jiro qoysas ku tiirsan ganacsiga Khaatka oo lacag hela kuna bixiya nolol maalmeedkooda.
Laakiin Rashiid Maxamed Qarshe wuxuu hayaa fikir ka duwan ka ganacsigan, iyadoo shacabka lala tashanayo in mooshinka uu meelmari karo.
“Waa in ay dadweynaha ka qeybqaataan. Arrintan lama galayo iyaga oo aan raali ka noqon,” ayuu yiri.
“Dhibka labaad waa dhanka bulshada. Waalidka iyo caruurtooda waa la isku kari la’yahay oo way dagaallamayaan”.
“Adiga ma rabtid inuu wiilkaaga khaat cuno, qofka kalena inaad ka gadid waad rabtaa”, ayuu yiri mar uu ka sheekeynayay hooyo khaat gata, cannugeedana u diiday.
Dalka Kenya, waa markii ugu horreysay oo tallaabo noocan ah uu qaado masuul ka tirsan ismaamul goboleed, waxaana dhici karto in ay canshuur dheeraad ah la saaro ama ay yareeyaan tirada khaatka ee la geeyo Wajeer.
Balse, Qarshe wuxuu filayaa in khaatka oo dhan laga mamnuuco Wajeer, ayna noqoto “tallaabo hirgasha”.
“Nin manta rabo inuu cannugiisa cuno ma jiro, waxaad adiga rabin in aad dadka kale ku riixdo waa laga fiican yahay.
.