Ciidamada Sirdoonka Dalka Kenya Oo Xabsiga U Taxaabay Dr. Ibraahim Bursaliid.

0
508

Ciidamada Kenya ayaa xalay gurigiisa kala baxay Dr. Ibraahim Faarax Bursaliid oo aqoonyahan ka faalooda arrimaha Geeska Afrika.

Ilo muhiim ah ayaa waxa ay sheegeen in Dr-ka gurigiisa ay tageen ciidan Dharcad ah, intaasi kadibna ay guriga kala baxeen oo ay u kaxeeyeen saldhig ciidan.

Warkan ku saabsan xariga Dr. Ibraahim Bursaliid waxaa Idaacadda BBC-da u xaqiijiyay C/wahaab Sheekh C/samad.

Wuxuu kaloo tilmaamay C/wahaab Sheekh in ay qareenno u qabteen oo ay arrinta hadda ku howlan yihiin.

Qaar ka tirsan ehelada Dr. Ibraahim Bursaliid ayaa sheegay inay ka walaacsan yihiin nolosha wiilkooda, islamarkaana waxay tilmaameen inay socdaan dadaalo lagu soo deynayo.

Ilaa iyo hadda lama garanayo sababta ka danbeysa xariga Aqooyahankan Soomaaliyeed, balse maalmahan dmabe ma wanaagsaneyn xiriirka Dowladaha Somaliya iyo Kenya.

.