Xaalada magaalda B/weyne oo kacsan kadib dilkii loo geystey Mahdi Xasan SHiiqaal.

0
494

Xaalada magaalada b/weyne ayaa kacsan ganacsigeeduna wuu xirnaa kadib dil ay u geysteen ciidamada AMISOM ee ku sugan magaalada b/weyne ee golka hiiraan,iyadoon la ogeyn sababta ka danbeysta dilka loo geystey marxuumkan oo shaley ay toogtaan ciidamada ka socda dalka jabuuti.

 

Marxuumkan oo ahaa sarkaal ka tirsan hey adda main action ayaa shaley gelinkii danbe waxaa rasaas ku furey ciidamada dalka jabuuti ee Amisom isagoo ku socda gurigiisa,waxaana maanta xirnaa wadooyinka magaalada dhexdeeda ku yaal kadib markii dad ka careysan dilkaas ay banaanka usoo baxeen.

 

Odayaal iyo wax garad uu hor kacayo ugaas KHallif ayaa iku dayaya in ay xaalada dajiyaan,wax war ahina kama soo bixin ciidamada Amisom hugaankooda sare iyo kuwa dalka jabuutiba,mana aha markii ugu horeysey ee ay giidamada amisom xadgudubyo iyo dilal ay ka geystaan gudaha dalka soomaaliya oo ay ku suganyihiin.