Weerarkii lagu qaadey dalka faransiiska oo khasaaraha dhimasho iyo dhaawac uu sii kordhayo.

0
432

KHasaaraha dhimasho iyo dhaawac ee ka dhashey weerarkii lagu qaadey faransiiska ayaa kor usii kacaya iyadoo dhimashadu hada mareyso in ka badan 200 qof halka dhaawaca uu sii caga cageynayo 25o qof,weerarkan oo ahaa mid lama filaan ah ayaa inta badan shacabka dalka fransiisku waxey eeda saareen ciidamada sirdoonka maadaama uu falkani ahaa mid abaabulan.

 

Madaxda dalka fransiiska ayaa falkan ku tilmaamey mid laga xumaado oo aan la aqbali karin,iyagoo dunida inteeda kalena ugu baaqey in leyska kaashado falalka xag jirka ah iyo argagixifsada waxa ay ugu yeereen,mana aha markii ugu horesey ee sidan oo kale falal ay uga fuliyaan dadka ay is hayaan dawlda faransiiska oo ka mid ah dawladaha ugu horumarsan dalalka YURUB.

 

Mareykanka iyo ingiriiska ayaa tacsi u direy xukuumada iyo shacabka fransiiska iyagoo dhamaantood cambaareeyey sheegeyna in meel looga soo wada jeesto,falkan ayaa waxaa sheegtey dawlada islaamiga ah ee ISIS,oo ay si aad ah isaga soo horjeedaan siyaasada fransiiska iyo reer galbeedka oo dhan.