Taliyaha ciidanka xoogga dalka soomaaliyeed iyo wafdi uu horkacayo oo booqasho ku tagey xarunta Jubbaland ee Kismaayo.

0
443

Taliyaha Ciidamada Xoogga, Jen. Maxamed Aadan Axmed iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa maanta gaaray magaalada Kismaayo ee Xarunta Gobolka Jubbada Hoose, halkaasoo ay si weyn ugu soo dhaweeyay mas’uuliyiin ka tirsan maamulka Jubbaland.

Wuxuna taliyuhu salaan sharaf ka qaatay cutubyo ka tirsan ciidamadii kusoo dhaweeyay garoonka diyaaradaha magaalada Kismaayo. Iyadoo magaaladaas u tageen arrimo la xiriira horumarinta ciidamada xoogga dalka iyo xoojinta dagaalka ka dhanka ah Al-shabaab.

Sidoo kale, Jen. Maxamed Aadan ayaa kormeer ku sameeyey gaadiid cusub oo dhawaan loo keenay ciidamada xoogga dalka Somalia, gaar ahaan qaybta 43-aad. Iyadoo taliyuhu uu xusay in gaadiidkan ay qayb ka qaadan horumarinta dhismaha ciidamada xoogga dalka.

Ugu dambeyn, taliyaha ciidanka xoogga dalka Somalia wuxuu ku boggaadiyey saraakiisha hoggaaminaysa ciidanka sida ay uga go’an tahay in dhinac walba laga dhiso ciidanka qaran Soomaaliya meel walba oo ay joogaan.