SHir looga hadlayo higsiga 2016ka ayaa maanta ka furmey caasimada kmg galmudug ee Cadaado,shirkan oo ay ka soo qeybgaleen xildhibaano ergooyin iyo xubno lagu casumey ayaa sida la sheegey waxaa lagu falaqeyn doonaa halka ay dooneyso in loo maro galmudug higsiga 2016ka.
SHirka ayaa waxaa furey madaweynaha galmudug C/kariim Xuseen Guuleed iyadoo ay u muuqato in galmudug doorkeeda siyaasadeed ku muujineyso la tashiga bulshada ee higsiga 2016 si ay u bareejeyso maamul goboleedyada kale ee dalka ka jira.
Beryahan ayaa waxaa soo ifbaxayey shirar ka dhacaya maamul goboleedyada dalka kuwaasoo mid kastaa sheegayo in uu shacabka la tashanayo hase ahaatee ay tahey been wax kama jiraan ah oo rayul caalamka lagu qaldayo,ushuna ay meel uga go antahey siyaasiyiinta hugaamisa maamulada gobolada soomaaliya,waxaana jira xulufetsi dhexdooda ah.