SHir looga hadlayey hindise sharciyeedka axsaabta siyaasada dalka oo Muqdisho ka dhacey.

0
458

SHir looga hadlayey hindise sharciyeedka axsaabta dalka ayaa muqdisho ka dhacey,shirkan oo ay kasoo qeyb galeen madax ka kala socotey xukuumada iyo barlamaanka soomaaliya,axsaabta siyaasada dalka qaarkood,maamul goboleedyada,ururada bulshada iyo marti sharaf kale.

 

Wasiirka arrimaha gudaha iyo wasiiru dawlaha arimaha gudaha Odawaa iyo C/rashiid xidig ayaa  ka qeyb galayaasha shirka u sheegey in maanta loo baahanyahey axsaab siyaasadeed oo dalka ka hirgala loona baahanyahey sharcigii ama xeerkii lagu maamuli lahaa idinkana leydinka baahanyahey in aad falanqeysaan isla markaasna aad wax ku biirisaan ama ka dhintaan.

 

SHirka oo socon doona mudo sadex cisho ah ayaa waxaa maanta laga doodey qodobo ka mid ah hindise sharciyeedka ay soo diyaarisey wasaaraddaarrima gudaha dawlada federalka ah,iyadoo kuwa kalena loo balamey maalmaha soo socda.

 

Maahan markii ugu horeysey ee dawlada federalka wasaaradaheeda kala duwan ay qabtaan shir nuucaan oo kale ah,hase yeeshee wey yartahey aragtida dadka la casumo qaadashadoodu,waxeyna u egtahey (Qawda maqashii waxna ha u qaban).