Qarax miinada dhulka lagu aaso ayaa lala eegtey kolonyo ciidamada Amisom oo marayey degmada Heliwaa ee gobolka Banaadir ciidamada amisom ayaa sidii lagu yiqiin waxey rasaas ku fureen jiho walba,nasiib wanaag lama soo sheegin dad rayid ah oo ay wax ku gaareen.
Miinadan ayaa sida lagu soo waramayo waxey aheyd kuwa meelaha fog fog laga hago ayaa waxaa sheegtey dagaal yahanada AL-shabaab kuwaas oo meelo kala duwan dagaalo ku dhufoo ka dhaqaaq ah ka wada,dagaalkaas oo ka dhan ah maamul goboleedyada,dawlada federalka iyo ciidamada huwanta ah ee AMISOM.
Maahan markii ugu horesey ee ciidamada amisom lala eegto weerar0 miinooyin,iyo dagaal gaadmo ah,in kastoo beryahan ay ku yaraayeen miinooyinka dhuika lagu aaso gobolka banaadir,maadaama aad loo badiyey ciidamamada wadooyinka ilaaliya,iyo kuwo dhar cad ah oo shacabka iyo xaafadaha ku dhex jira.