M/weyne Xasan SHeekh ayaa maanta ka hadley maxaabiis dalka debediisa ku xir xiran isagoon soo hadal qaadin kuwa buux dhaafiyey xabsiga dhexe ee muqdisho kaas oo qeylo dhaanta ka taagan caalamka qaarkiis booqasho ku yimaadeen dhawaan.
Taliyaha ciidanka asluubta gen. Bashiir Goobe oo saxaafada la hadlayey ayaa yiri xabsigu wuu buux dhaafey qolkii loogu tala galey 50ka qof waxaa ku jira 150 qof ma heystaan meel ay seexdaan dawo iyo biyo nadiif ah oo ay cabaan isagoo ganacsatada ka codsadey in loo soo gurmado oo gar gaar lala soo gaaro.
Wali aduunka kama dhicin dawlad wax xirta oo aan waxba cafin m/weyne xasan sheekh muxuu uga hadlayaa ama ugu yaalaa kuwan uu mar walba hor marayo oo qeylada ka baxeysa uu maqlayo muu xalkooda raadiyo oo uu tixgeliyo madaxda xabsiyada codsigooda,wuxuu heystaa qodob dastuuri ah oo uu munaasabadaha dalka iyo kuwa diiniga ah uu maxaabiis ku cafin karo,nasiib daro taasi ma dhicin inta xilka uu hayey m/weyne Xasan SHeekh Maxamuud(ninkii tiisa dar yeela ayaa tu kale ku dara) ee m/weyne ka faaiideyso waqtiga yar ee kuu harey.