Magaalada Cadaado ee xaruntii hore maamulka ximan iyo xeeb hadana ah caasmada Galmudug state ayaa laga furay Hotel casri ah oo loo diyaariyay si heer sare ah waxaana hotelkan lagu magacabaa Hotel CENTERAL.
Xaflada lagu furayay Hotelka ayaa waxaa kasoo qeyb galay ganacsato odayaal siyaasiyiin haween dhalinyaro iyo masuuliyiin katirsan maamulkii ximan iyo xeeb iyo kan galmudug state waxaana dhamaan la dhaceen kasoo qeyb galayaasha qabka loo diyaariyay Hotelka.
Maamulka Hotelka ayaa sheegay inay ugu talo galeen inay ka qeyb qaataan shirkii maamul u sameynta gobolada dhexe islamarkaana uu hotelku hada diyaar u yahey adeegyada ugu sareeye ee maamulka galmudug iyo bulshada kale u baahanyihiin marti sharafta ayaa waxa ay tilmaameen in hotelka jiif iyo cuntaba uu dabooli karo qaabilina karo dad farabadan.
Hotel CENTERAL ayaa kamid noqonaya hoteelada uga caalamisan ee kajira gobolada dhexe waxaana dhismaha hotelka mudo dheer ka socday magaalada Cadaado dib u habeyn heer sare ahna hada lagu sameeyey DAAWO SAWIRADA.