Bomaako/maali kooxo hubeysan oo soo weerarey hottel kana afduubtey dad rayid ah.

0
499

Kooxo Islaaiyiin ah ayaa maanta Weerar ku qaaday Hoteel kuwa lagu raaxeysto ah oo ku yaalla caasimadda Mali ee Bamako Jimcaha maanta ah, iyagoo hoteelka afduub ahaan ugu haysta 170-qof, iyadoo ay ciidamada dalkaas dagaal kula jiraan kooxaha hoteelkaas qabsaday. Sarkaal ka tirsan ciidamada ammaanka Mali ayaa u sheegay warbaahinta in qaar ka mid ah dadka af-duubka lagu qabsaday la sii daayay, kaddib markii lagu xujeeyay in ay akhriyaan aayado ka tirsan Qur’aanka kariimka ah. Wargeys kasoo baxa Faransiiska oo lagu magacaabo Le Monde oo mas’uuliyiin ka tirsan xukuumadda Mali soo xigayay ayaa sheegay in ugu yaraan saddex ka mid ah dadka lagu afduubay hoteelka toogasho lagu dilay.

 

Sidoo kale, weerarka lagu qaaday Hotel Radisson Blu oo ku yaalla xaafad dhanka galbeed ee magaalada Bamako oo ku dhow halka ay ku yaallaan wasaaradaha xukuuumadda iyo xafiisyada dublamaasiyiinta France ayaa kusoo beegmaya iyadoo Jimcihii lasoo dhaafay ay kooxda ISIS weerartay magaalada Paris, iyadoo halkaas ku dishay 129-qof, sidoo kalena 350-qof ay ku dhaawacmeen. Kooxaha weeraray Hoteelkan ku yaalla Bamako ayaan weli la garanayn cid ay la leeyihiin gacan-saar. Inkastoo waqooyiga waddanka Mali ay gacanta ku hayaan kooxo islaamiyiin ah oo xiriir la leh Al-Qaacida, kuwaasoo illaa 2012-kii dagaallo hubeysan kawaday gudaha dalka Mali. Ilo wareedyo laga helayo hay’adaha amniga Mali ayaa sheegaya in ugu yaraan 10-ruux oo hubeysan ay gudaha u galeen hoteelkan, waxayna billaabay inay rasaas ku furaan markii gudaha u galeen hoteelka, sidoo kalena ku qaylinayay ‘Allaah Akbar’, waxaana la sheegay in laba ka mid ah ilaalada hoteelka lagu dhaawacay weerarku markuu billowday.

 

Dowladda Faransiiska ayaa sheegtay in hoteelka ay ku sugnaayeen muwaadiniin dalkeeda u dhashay, sidoo kale xukuumadda Shiinaha ayaa sheegtay inay iyagana kaga sugnaayeen hoteelka dhowr qofood, halka Turkish Airweys ay sheegtay in lix shaqaalahooda ka mid ah ay hoteelka deggenaayeen. Shirkadda leh hoteelka la weeraray saakay ayaa sheegtay in dableyda ku qaaday weerarka hoteelka ay warbixinnada ku helayaan inay laba qof oo keliya, ayna ku haystaan gudaha hoteelka 140-qof oo deggenaa iyo 30-ruux oo hotelka ka shaqeynayay. Dhanka kale, goobjoogayaal ku sugan xaafadda uu hoteelku ku yaalla ayaa laga soo xigtay iyagana in ciidamada booliiska waddanka Mali ay isku hareereeyeen hoteelka ayna xireen gabi ahaan waddooyinka soo gala hoteelka iyo xaafadaha ku dhow. War ay soo saartay safaaradda Mareykanka ee Mali ayaa muwaadiniinteeda ugu baaqday inay raadsadaan meelo gabaad ah; ayna ka warhayso weerarka lagu qaaday Radisson Hotel ee Bamako ku yaalla. Ugu dambeyn, Kooxda ISIS ayaa sheegatay mas’uuliyadda weerar lagu qaaday mid ka mid ah baararka laga cunneeyo ee ku yaalla magaalada Bamako ee dalka Mali oo ay ka cunteyn jireen dadka ajaanibta ah bishii Maarso ee sanadkan, kaas oo lagu dilay shan qof.