SHirkan ayaa waxaa kasoo qeyb galey xisbiyada siyaasada dalka iyo qeybaha bulshada soomaaliya iyadoo loogu yeerey in ay dhegestaan wax qabadka barlamaanka isla markaasna ay qiimeeyaan sida ay u kala muhiimsanyihiin hindise sharciyeedyada waqtigan barlamaanka hor yaal.
Kulanka ayaa waxaa shir gudoominayey gudoomiyaha barlamaanka Maxamed SHeekh Cismaan JAWARI iyadoo furitaanka kadib uu xoghayaha guud ee barlamaanku u aqriyey hindise sharciyeedyada barlamaanku meel mariyey ama la ansixiyey.
Waxaana la siiyey hadalka shaqsiyaad ka kala socdey axsaabta siyaasada iyob qeybaha kale ee bulshada,iyadoo inta badan fekerka xubnaha hadley u badnaayeen dhaliil loo soo jaadinayey xubnaha barlamaanka iyo xukuumada taas oo la xiriirta karti daradooda,halka dadka hadley qaar ka mid ahi ay soo jeediyeen in la abuuro hindise sharciyeedyo loo baahanyahey sida kan Naafada iyo Agoonta oo aanu dastuurku wax badan ka qeexeyn sidii dadkaasi xuquuqdooda loo ilaalin lahaa