War Deg Deg ah Xildhibaan katirsan Baarlamaanka Somalia oo Goordhaw lagu dilay Muqdisho

0
446

Waxaa Goordhaw Isgooska Ceel gaabta ee Degmada Xamar Jajab kooxo hubeesan ku dileen Xildhibaan katirsan Baarlamaanka Soomaaliya, xili uu kusii jeeday Xarunta Golaha Shacabka oo maanta Baarlamaanka ay codka Kalsoonida ugu qaadayaan Xukuumada Cusub.

Kooxo Hubeesan oo gaari watay ayaa rasaas xoogan ku furay gaari yar uu watay Xildhibaan C/laahi Qayaad, xili uu marayay Isgooska Ceel Gaabta ee Degmada Xamar Jajab, waxaana Rasaastaasi ku geeriyooday Xildhibaanka.

Goob joogayaal ayaa ku waramay in Kooxaha hubeesan ee gaariga watay ay daba socdeen gaariga Xildhibaanka ayna rasaas xoogan oo laga ridayay qoryaha fudud ku fureen markii ay lasoo sinmeen gaarigiisa.

Kooxihii weerarka ku dilay Xildhibaanka katirsan Baarlamaanka Soomaaliya ayaa goobta isaga baxsaday, waxaana goobta hada gaaray oo baaritaano kawada Ciidamo tiro badan oo katirsan Booliiska iyo Nabad Sugida Dowlada Soomaaliya.

Xildhibaan C/laahi Qayaad ayaa noqonaya Xildhibaankii ugu horeeyay ee la dilo sanada cusub ee 2015-ka, sanadii hore ee 2014-ka ayaa Magaalada Muqdisho siyaabo kala duwan waxaa loogu dilay Xildhibaano katirsan Baarlamaanka Soomaaliya