Somalia oo aan manta jaad la keeni doonin {Xog}

0
541

Dadkaas Ganacsatada ah ayaa ku micneeye Sababta ay u joojiyeen Qaadka/jaad waxaa ay ku shegeen in ay qaali ka dhigeen dadka heysta beeraha jaadka iyo maamulada ka jira Somalia oo iyaguna qaali ka dhigay canshuurta.

Muqdisho waxaa maalin kasta imaata 16 diyaaradood oo jaad wada,halka Puntland ay tagto diyaarad weyn oo udhiganta 6 ka mid ah diyaaradaha xamar yimaada.

Suweydo Jaamac Maxamed oo ka mid ah ganacsatada jaadka usoo dhoofisa Somalia ayaa sheegtay in manta iyo bari intaba uusan jaad imaan doonin Somalia.

Waxaa ay sheegtay in jawaankii jaadka ah ay markii hore kusoo qaadan jireen 25 kun oo lacagta Kenya ah laakiin dadka uu jaadku ubaxo ayaa qiimaha ka dhigay 55 kun oo Kenya shilin ah.

Waxaa ay sidoo kale sheegtay in garoomada Somalia lagu canshuuro halkii jawaan oo jaad ah $200 oo dollar.

Waxaa ay sheegtay in ay hada gudi ay usaareen arintaan six al macquul ah loo raadiyo