Dowladda Sudan oo joojisay Dal-ku-galka ay siin jirtay Shacabka Soomaaliyeed, (Aqriso Warqad Cadeyn ah!!)

0
464

Dowladda Sudan ayaa joojisay dal-ku-galka ay siin jirtay dadka Soomaalida oo ay ku jiraan ardayda halkaas waxbarashada u aadi jirtay, sida ay xaqiijisay safaaradda Soomaaliya ee dalkaas.

U qeybsanaha dhaqanka iyo waxbarashada ee safaaradda, Cabdiqaadir Guulane ayaa sheegay in go’aankan uu ka soo baxay xafiiska dowladda Sudan u qaabilsan arrimaha ajaaniibta.

Warqadda ayaa lagu sheegay inaanay Soomaalida u hoggaansamin sameysashada deggenaanshaha dalka iyo koror ku yimid dadka u tahriibaya Liibiya si ay u gaaraan qaaradda Yurub.

Waxaa warqadda ku xusan inaan Soomaalida la siin karin dal-ku-gal sabab kasta oo ay noqoto.

Warqadda oo ku taariikhaysan bishii January 20-keeda ayaa waxaa ku saxiixan madaxa waaxda arrimaha ajaaniibta Sudan Gaashaanle Sare Yaasiin Maxamed Xasan, waxaana nuqul ka mid ah la siiyay madaxa waaxda socdaalka iyo jinsiyadaha Sudan iyo madaxa waaxda socdaalka ee garoonka diyaaradaha Khartoum.

Cabdiqaadir ayaa sheegay inuusan jirin qoraal rasmi ah oo ku saabsan arrintan oo la gaarsiiyay safaaradda Soomaalida, isagoo wax laga xumaado ku tilmaamay go’aankan oo lagu bartilmaameedsanayo muwaadiniinta Soomaalida oo kaliya.

Wuxuu sheegay in wadaan dadaal ay ku doonayaan in dowladda Sudan ay ka noqoto go’aankan.

Wuxuu kaloo sheegay inay jiraan arday Soomaali ah oo laga celiyay qaar ka mid ah garoomada dalkaas