Maanta oo ay Taariikhda ku beegneyd 16-ka Febraayo 2015 ayaa ah xiliga kama dambeysta ee loo qabtay in shacabka afarta xaafadood ee degmada Jowhar ay ku bixyaan lacagta cashuurta lagu sheegay ee lagu soo Rogay guryaha Degmada Jowhar.
Arrintaan ayaa cabsi xoogan ku beertay qoysaska danta yar ee aan awoodin in ay iska bixyaan lacagaha lagu soo rogay
Qoysaskaan danta yar ayaa wajahayo haddii ay lacagtaan bixin waayaan Xarig iyo Ganaax dhan (500,000 shan boqol oo kun shiling Soomaali ah), taasoo u dhiganta ($25 labaatan iyo shan doollar) tani ayaana keeneyso in maanta uu buux dhaafo xafiiska lacag qabashada oo dadka u galaan safaf dhaadheer iyadoo dadka qaarkii ay ka cabsi qabaan inuu waqtiga ku dhamaado, iyadoo maalinta beri ah aan cidna fursad u heli doonin in ay lacagta bixiyaan Xafiiskan ayaa ah mid dhawaanahaan la hirgeliyey sidoo kalana ay ka howl galaan dhalinyaro rag iyo Dumarba leh
“Tani waan ogaa in ay imaan doonto maxaa yeelay albaabka gurigeyga ayaa dhowr bilood ka hor lagu qoray lamber waana ku qasban nahay in aan lacagta bixiyo lacagtaan aad aragto waa midaan saaka soo shaqeystay aniga oo u baahan ayaana saaka bixinayaa haddii aan sidaa yeelina waa la ii labo jibaarayaa” Sidaa waxaa tiri hooyo ka mid ah qoysaska danta yar ee saaka safka ugu jiro in ay canshuurta bixiso
Gudoomiyayaasha afarta Xaafadood ayaa waxaa u dhaxeeya tartan ku aadan xaafadii lacag badan soo xera gelisa in ugu yaraan ku kasban doono amaan badan oo uu ku sii xaqiiqsado inuu wax badan kursiga ku fadhin doono labada xaafadood ee ugu weyn ee Horseed iyo Hantiwadaag ayaa gudoomiyaashooda noqday kuwa ugu mashquulka badan, iyadoo maalinta beri la filayo in qoysas badan xabsiga loo taxaabi doono maadaama ilaa iminka ay jirto qoysas danta meel dhigtay oo aan awoodin in ay iska bixiyaan.
Dadka ku nool magaalada Jowhar ayaa ah dad inta badan ay noloshooda ku tiirsan tahay beeraha oo tacabkooda aad u xumaa, kadib fatahaado is xigxigay oo uu sameeyey wabiga Shabeelle oo mara magaalada
Dad badan oo aad ugu dhuun daloola howl maalmeedka Dowlada ayaa durbaba bilaabay in ay is weydiiyaan halka ay ku dambeyn doonto lacagta lagu soo rogay in canshuur ahaan looga qaado guryaha degmada Jowhar, iyadoo la ogyahay in aysan jirin Boono ka timid Wasaarada Maaliyada oo ka howl gasha Degmada, sidoo kalena Canshuurihii hore looga qaadi jiray Goobaha ganacsiga iyo Baabuurta ay tahay mid si gaar ah uu maamulka Gobolka u wadaago, mana jirto Halbeeg ay ku wadaagaan oo ku salaysan jagada uu Masuulka haayo inta ay la egtahay.
Tani ayaa ku soo beegmayso, iyadoo ay jirto firfircooni uu la soo baxay xafiiska Hanti Dhowrka guud ee Qaranka oo bilaabay inuu la xisaabtamo Guddoomiyaasha Gobolada iyo Degmooyinka oo Lunsi lacageed lagu soo eedeeyo, sidoo kalena uu Madaxweyne Xasan Sheekh uu si cad u sheegay in cid kasta oo Lunsado Hanti Qaran ay wajahi doonto Ciqaab, isla markaana aanay jirin cid sharciga ka weyn