Website-ka lagu qoro arimaha militeriga dalka Mareykanka ayaa lagu daabacay in dowladda Mareykanka ay Soomaaliya u soo direyso 20-gawaarida nooca miinooyinka iyo xabadaha aan Karin ee loo yaqaan MRAPS kuwaasi oo la siin doono ciidamada Midowga Africa ka socda ee magacooda loo soo gaabiyo AMISOM.
Uganda iyo Burundi oo iyagu qeyb ka ah ciidamadaasi ayaa heli doono gawaaridaasi oo horey ay askarta Mareykanka ugu soo isticmaaleen dalka Afgaanistaan howlgalka ay ka wadaan.
Maj. Gen. Wayne Grigsby oo ah taliyaha ciidamada Mareykanka ee ku sugan Soomaaliya ayaa sheegay in arintaani ay kala kaashan doonaan shirkado qalabka Militeriga soo saara,sarkaalkaasi waxa uu cadeeyey in ay doonayaan in ay dhamaystiraan sameynta joogitaankooda Soomaaliya iyo sidii looga taqalusi lahaa waxa uu ugu yeeray dagaalka lagula jiro argagexisada Africa.
Sarkaalka mareykanka ee dhanka qorsheenta ciidamada kaga sugan Soomaaliya Maj. Myesha DuBose, ayaa aaminsan in horey aysan ula socon dhibaatooyinka ay wajahayso Muqdisho balse markii la helay dhul balaaran oo lagala wareegay Al-shabaab ay suurta galisay in gawaaridaan ay keeni karaan Soomaaliya.
Sargaalkaasi waxa uu sheegay in dhamaadka bishaan ay gawaaridaasi lagu soo wareejin doono ciidamada Uganda iyo Burundi.
Ciidamada afrikaanka ah ee ku sugan Soomaaliya ayaa waxa ay dhul balaaran horey kala wareegeen dhaq dhaqaaqa Al-shabaab ee ka dagaalanta dalka.