Iyadoo dhawaan R/wasaaraha DF Somalia Cumar C/rashiid Cali Sharmaarke uu sheegay in uu dib u eegis ku sameenaayo xukuumadii uu dhawaan soo dhisay ayaa wali waxaa jira xubno doonaayo Wasiirnimo balse shuruud loogu xiray Wasiirnimadiisa.
Farax C/qaadir oo doonaayo in mar kale loo magacaabo Wasiirka Cadaalada ayaa waxa lagu xiray in uu keensado magacayo xildhibaao ka tirsan Baarlamaanka oo doonaayo in isaga lagau dhigo Wasiir isla markaana ay soo saxiixaan warqad ay magacayadooda ku qoran yihiin.
R/wasaare Cumar ayaa ku wargaliyay Faarax in looga baahan yahay in ugu yaraan uu la yimaado 50 Xildhibaan kuwaas oo isku waafaqsan in isaga loo soo celiyo Wasiirnimadiisa isla markaana iyaga ay codsiin doonaan.
Farax C/qaadir ayaa hadda wada qorshe uu ku soo aruursanaayo Xildhibaanadaas waxaana la sheegay in uu diyaar la yahay lacag badan ,waxaana arinkaas ay iska kaashanaayaan C/kariim Guuleed oo beeshiisa kalsooni ka hesyto balse isagana Xildhibaano kale raadsanaya.
Ugu danbeyntii shukaansiga Xildhibaanada ayaa wali waxa ay ka soconayaan magaalada Muqdisho iyadoo shuruudaha Wasiir noqoshada ay ku xiran tahay hadba Xildhibaanada ku taageersan.