Masuuliyiin Dowlada oo kusii qulqulaayo Garoonka aadan Cade

0
446

Waxaa maanta magaalada Muqdisho kusoo wajahan madaxweynaha dalka Turki Rajeb Tayid Erdogan iyo wafdi uu hogaaminayo, kuwaa oo socod ku maraya qaar ka mid ah wadamada Afrika.

Madaxweyne Erdogan iyo Wasiiro ka tirsan Dowladiisa ayaa waxa ay xariga ka jari doonaan goobo badan oo ay kamid yihiin Garoonka Aadan Cadde iyo Isbitaalka Digfeer ee Magaalada Muqdisho.

Garoonka aadan Cadde ayaa waxaa hadda kusii qulqulaayo Madaxda Qaranka oo isugu jiro Wasiiro iyo Xildhibaano ka tirsan Baarlamaanka oo uu hogaaminaayo Ra’isul wasaaraha dalka.

Madaxda ku qulquleyso garoonka ayaa waxa ay soo dhaweyn ugu jiraan Madaxweynaha Turkiga Rajab Dayib Erdogaan iyo Wafdigiisa.

Soo dhaweynta Erdogan waxaa loogu jiraa diyaar garoow balaaran, waxaana amaanka guud ee magaalada Muqdisho yahay mid aad loo adkeeyay.

Dhamaan wadooyinka muhiimka ah ee magaalada Muqdisho waxaa laga hakiyay isku socodka gaadiidka iyo dadweynaha, waxaana socota qaban qaabadii ugu dambeysay ee soo dhaweynta Erdogan.

Dowladda Turkiga ayaa magaalada Muqdisho ka hirgelisay mashaariic aad u badan, waxaana ay dhiseen laamiyo, Iskuulo iyo Isbitaalo