War saxaafadeed ka soo baxay xafiiska ururka haweenka suxufiiyiinta soomaaliyeed oo si weyn loogu soo dhaweeyay maalinta saxaafada soomaaliya oo ku beegan 21 January 2015.
Sanad kasta 21 January waxaa loo dabaal dagaa maalinta saxaafada Soomaaliya ,ururka haweenka suxufiyiinta soomaaliyeed (SWJ) 0sanadkani waxa uu ugu dabaal dagayaa maalinta saxaafada soomaaliyeed in uu shaaca ka qaado dhibaatooyinkii saxaafada ku dhacay sanadkii 2014 kii .
Warsaxaafadeedkan waxa aan ku cadeynaynaa in saxaafada soomaaliyeed ay yihiin kuwa dhinac kasta uu dhib ka heysto ,taasina ay sabab u tahay dalka oo mudo ku dhaw rubuc qarni ku jira dhibantooyin ay amni daro qeyb ka tahay,
Dhibaatada saxaafada soomaalida heysata waxaa sii dhiirageliyay dalku malaha sharci adag oo ey kuwada dhaqmaan saxaafada iyo nidaamka jira ama dowladda .
Sanadkii 2014 waxa uu ahaa sanad saxaafada murugo iyo farxadba ay la kulmeen wallow sanado badan oo la soo dhaafey ay yaro dhaantey ,
Waxaa siyaabo kala duwan loo dilay ama loo dhaawacay suxufiyiin ka howlgala Waraahinta dalka soomaaliya,waxa laga xusi karaa Agaasimaha Qeybta Muqdisho ee Television Somali Channel ,C/risaaq Black .iyo kuwa kale .waxaa xabsi la dhigay suxufiyiin iyo maamulayaal idaacadeed,ka dib markii lagu eedeeyay in ay qalad ka galeen dowladda.
Guulihii la gaaray waxaa ka mid ahaa in sharcigii saxaafada ee dowladda iyo warbaahinta kala hagi lahaa meel wanaagsan la gaarsiiyay iyo in haween badan oo suxufiyiin ah ay wax ku yeesheen miiska go’aan gaarista talada warbaahinta ,Warsaxaafadeedka waxa aan ku soo gunaanudeenaa in dowladda ay si wanaagsan ula dhaqanto saxaafada, warfidiyeenadana waxaan kula dardaarmeyna in ay noqdaan kuwa dareema masuuliyada dalka iyo dadka ka saaran