Rag bastoolado ku hubeysan ayaa habeenkii xalay ahaa waxa ay xaafadda Laba dhagax degmada Warta Nabadda ee magaalada Muqdisho ku dileen wiil dhalin yaro kana mid ah ardayda wax ka barata mid ka mid ah dugsiyada sare ee magaalada Muqdisho Waxaana Wiilkaasi dhashay Fanaanada Caanka ah ee Soomaaliyeed Laki Xaaji Waceys.
Marxuumka dhintay waxaa lagu magacaabayay Maxamed Deeq, waxaana xilliga la dilayay ay meel wada fadhiyeen dhainyaro kale, hase ahaatee rag bistoolado ku hubeysan ayaa dul yimid ka dibna rasaas ku furay.
Mid ka mid ah dadka ku dhaqan xaafadda dilkaan uu ka dhacay waxa uu inoo sheegay in wiilkaan dhawaan uu dhameyn lahaa dugsiga sare, islamarkaana dilkaasi dadkii ka dambeeyay ay baxsadeen.
Maamulka degmada Warta Nabadda weli wax war ah kama aanay bixin dilkaan ka dhacay xaafadda Laba Dhagax iyo sidoo kale dadkii dilkaasi ka dambeeyay