Ra’iisal Wasaaraha Xukuumadda Federalka Somaliya Dr. Cumar C/rashiid Cali Sharmaarke, ayaa wuxuu la daaldhacayaa sidii uu ku soo magacaabi lahaa Golaha Wasiirada ee Xukuumaddiisaan Cusub ee maalmaha soo socda lagu dhawaaqi doono.
Ra’iisal Wasaaraha, ayaa wuxuu dhibaatada ugu xoogan kala kulmayaa shaqsiyaadka saaxiibada dhow la ah Madaxweyne Xassan iyo qeybo kamid ah Golaha shacabka Baarlamaanka Soomaaliya ee iyagu u degdegaayo fashilinta Xukuumada cusub.
Xildhibaanada Baarlamaanka Somaliya, ayaa waxay weli kasoo horjeedan inkabadan ilaa 7-wasiir oo uu Ra’isul wasaaraha doonaayo inuu kusoo dhex daro Wasiirada cusub.
Madaxweyne Xassan sheekh Maxamuud iyo garabkiisa Dam-Jadiid, ayaa mid muhiim ah u arka inay iska dhex arkaan Golaha Wasiirada cusub, balse waxa ay taasi fashil ku noqoneysaa Ra’isul wasaaraha dalka oo isagu dhex dabaalanaaya Badweynta Siyaasada Qaraaran ee Soomaaliya.
Madaxda Dowladda oo marar badan isku noq noqday si ay go’aan kaga gaaraan arrinta Golaha Wasiirada, ayaa waxaa la soo sheegayaa inaanay ka soo bixin natiijo miro dhal ah. Waxayna taasi dib u dhigtay in la soo dedejiyo magacaabiddii Golaha Wasiirada.
War Saxaafadeed ay si wada jir ah u soo saareen Midowga Yurub, Mareykanka, Britain iyo Urur Goboleedka Igad, ayaa waxaa Madaxda Dowladda loogu baaqay in si deg deg lagu soo magacaabo Golaha Wasiirada.
Beesha Caalamka, ayaa waxay War Saxaafadeedka ku sheegtay in lagama maarmaan ay tahay, in Madaxtooyada Somaliya ay soo magacawdo Gole Wasiiro, oo heli kara codka Xildhibaanada Baarlamaanka.
Si kastaba ha ahaatee siyaasiyiinta Somaliyeed, ayaa waxay Madaxtooyada ku dhaliileen inay ka dhaqaaqi kari la’dahay nin jecleysi iyo eex, taasina ay keentay in culeys uu ka soo fuulo dhinaca Baarlamaanka.