Booqashada Erdogan oo caqabad badan ka abuurtay Muqdisho

0
503

Haddii aadan Muqdisho joogin saakay, oo aadan deganayn agagaarka wadada Makka Al-Mukaramma, amaba aadan aheyn arday iskuul ka dhigta daafaha wadadaas, waxaadan dareemi Karin culayska iyo dhibka ay booqashada Erdogan u geysatay dadka degan magaalada sida la sheegay uu joogi doono muddo lix saacadood ah.

Ma aha markii ugu horeysay oo uu Erdogan soo booqdo magaalada Muqdisho, waxa uuna horay u yimid 2011ki iyada oo ay xaaladda amniga ay ka xuntahay midda maanta la heysto. Ummadda Soomaaliyeed ee degan magaalada Muqdisho sawirka ay ka heysteen madaxweynaha Erdogaan wey ka bedelneyd midda ay hadda ka heystaan. Maxaa isbedelay?

Waxa kaliya oo isbedelay, waa in ay maanta jirto dowlad u heysata dowladnimada in dadka loo soo kordhiyo dhib iyo rafaad aysan horay u arkin. Maanta waxaa daafaha wadadaas daadsan boqolaan Booliis ah oo aan iyagu u aabo yeeleynin arday iyo hooyo ilmaheeda masruuf u raadsaneysa oo iayadu rabto inay ka gudubto wadada oo dhinaca kale u sii dhaafto wadada. Maxaa keenay xanibaada intaas la eg? Maxaa la is leeyahay wey dhici karaan haddii dadka loo fasaxo inay wadadooda maraan?

Runtii lama garan karo qaabka loo maamulay soo dhoweynta madaxweynaha dalka Turkiga inuu isaga naftirkiisa uu ka raali noqon lahaa haddii uu og yahay dhibaatada ay dowladda Soomaaliya u geysaneyso dadka degan magaalada Muqdisho. Madaxweynaha iyo shirkadaha Turkiga waxaa loo qaatay inay aad uga fikiraan, dhibaatada iyo aragtiyada laga fahmi karo soo dhoweynta noocaan ah iyo weliba sawirka ay ka bixineyso gargaarka ama maalgelinta aad ku sameyneysaan Soomaaliya.

Mar aan arkay arday aad u dhididaayay ayaan weydiiyay meesha uu u socdo, waxa uuna iigu jawaabay “waxaan si dirqi ah aan saakay subaxnimadii uga soo gudbay wadada dhinaceeda kale, sidii aan u sii lugeynaayay waxaan tegay iskuulkeygii oo uu joogo hal macallim oo kaliya, waxa uuna noo sheegay annaggoo arday badan ah inaan ka noqonno maadaama aysan joogin macallimiin wax u dhigta.” “aad iyo aad ayaan u carooday, oo kama aanan caroonin oo kaliya in iskuulkii xiran yahay ee waxaan ka carooday dhibka aan ku soo maray wadadaas iyo weliba dhibka aan ku noqon doono oo aanan weliba garaneynin xilliga aan tegi doono gurigeyga”. Waxaan kaloon arkay aabo ii sheegey inuu ka soo lugeeyay Xamar weyne uuna arkay, dad iyaguna ka soo lugeeyay Madiino oo weli raadinaaya wado ay ugu gudbaan suuqa Bakaaro oo ay rabeen inay wax ka soo gataan. Waxani soo dhoweyn wey ka duwan tahay ayuu ii raaciyaya.

Sidan oo kale ayaa dhacday maalintii Jimcaha oo la filaayay inuu yimaado Erdogan, waxeyse uga duwaneyd maanta maalintaasi waxa ay aheyd maalin nasasho oo dad badani uma aysan soconnin shaqo ama iskuulaad, wallow aan maalintaasna aan arkayay dad badan oo xamaalato ah oo aad uga careysan sida loola dhaqmaayo, oo qaar badan waxa ayba lahaayeen dalkeenna ayaan ajnabi ku noqonay.

Runtii sidaan si ka fiican oo loo maamuli karo soo dhoweynada ayaa jirta. Dalku waxa uu gelayaa xilli ka duwan xilliyadii hore, booqashada madaxweynayaasha waxa ay noqon doonaan kuwo isdaba joog ah, ma sidaanbaa loo maamuli doonaa? Runtii waa wax u baahan in wax laga bedelo waana in la helaa qaab ka duwan qaabka ay hadda wax yihiin. Waxaana haboon in dhowladdu ay kalsooni ka sameysato dadkeeda uguna kalsoonaato inay iyagu qeyb ka qaadanayaan nabad gelyada iyo horumarinta dalka, haddii ay dowladdu ku wado sida ay hadda wax u wado waxaan ka cabsanayaa in soo doweynta madaxda adduunka inay isu bedesho naceyb iyo in la karaahsado marka la maqlo madax baa imaaneysa, maadaama ay dadku ogyihiin waxa ay filan karaan iyo qaabka ay dowladdeenu madaxda kale u soo dhoweyneyso