Xilli xubnaha Baarlamaanka ay kasoo noqdeen fasax ay ku maqnaayeen Ayaa maanta oo Sabti ah waxaa lagu wadaa In Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud,uu daaha ka rogo fadhiga Shanaad ee Baarlamaanka dalka Soomaaliya.
Maanta oo Sabti ah, waxa ay ku beegan tahay, xilligii Guddoonka Baarlamaanka uu u iclaamiyay inuu furmaayo Fadhiga Shanaad ee Xubnaha Aqalka Golaha shacabka dalka Soomaaliya.
Sida sharciga dalka uu qabo waxaa kulanka Baarlamaanka furaayo Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud oo halkaasi ka jeedin doona khudbad uu uga hadlaayo xaalada dalka iyo shaqooyinka culus ee Baarlamaanka horyaala, isaga oo dar-daaran ujeedin doona xubnaha Baarlamaanka dalka.
Xildhibaan Maxamed Cumar Dalxa oo kamid ah Aqalka Baarlamaanka dalka, ayaa ku waramaayo in qorshaha uu yahay in maanta la furi fadhiga Shanaad ee Baarlamaanka dalka Soomaaliya, hadii aysan wax isbedelin.
Waxaa si weyn loo adkeeyay ammaanka Xarunta Golaha shacabka ee Magaalada Muqdisho oo la dhigay ciidamo ka badan kuwii hore xaruntaan u ilaalin jiray, waxaana ciidamada nawaaxiga xarunta Golaha shacabka la dhigay kamid ah Booliiska Amisom iyo Milateriga Amisom.
Xubnaha Baarlamaanka dalka ayaa qaarkood, waxa ay ku kala maqan yihiin fasaxyo dalka dibadiisa iyo Gobolada dalka Soomaaliya, halka qaarkoodna ay uhogaansameen amarka Guddoonka Baarlamaanka oo Muqdisho ay xaadir ku yihiin si fadhiga Baarlamaanka ay maanta ugu qaybgalaan.
Baarlamaanka dalka ayaa waxaa horyaala shaqooyin badan oo la xiriira sharciyada Wasaaradaha ay soo gudbiyeen, arimaha Maamul Goboleedyada iyo muranka ka taagan iyo xaaladaha guud ee Siyaasada dalka Soomaaliya, xilligaan uu maraayo.