Gaari Ay La Socdeen Ciidanka Dowladda Oo Qarax Xoogan Lagula Eegtay Agagaarka Isbitaal Banaadir

0
464

Waxaa Daqiiqado yar kahor qarax xoogan oo loo adeegsaday Miino wado dhinaceeda lagu aaso uu ka dhacay Agagaarka Isbitaalka Banaadir ee Magaalada Muqdisho.

Goob joogayaal ayaa noo xaqiijiyay in qaraxu ahaa Miino dhulka lagu aasay lalana eegtay gaari Cabdi Bille ah ay wateen Ciidamo katirsan Dowlada Federaalka Soomaaliya oo xiligaasi marayay wado u dhaxeysa Isbitaalka Madiina iyo Banaadir.

Ma jiro ilaa hada wax qasaaro ah oo ka dhashay Qaraxaasi miino ee goordhaw ka dhacay Magaalada Muqdisho , qaraxa ayaa ahaa mid si weyn looga maqlay qeybo badan oo kamid ah Magaalada Muqdisho.