Xildhibaan ka tirsan Baarlamaanka Soomaaliya ayaa wuxuu sheegay inay baaritaan ku sameynayaan wararka sheegaya in dagaalada ka dhacay Gobalka Shabeelaha hoose ee labada beelood udhaxeeyay inay qeyb ka yihiin ciidamada Dowladda Federaalka Soomaaliya.
Xildhibaan C/naasir Gaarane oo kamid ah Xubnaha Baarlamaanka Soomaaliya ee kasoo jeeda mid kamid ah Beelaha Gobalka Shabeelaha hoose ku dagaalamaya, ayaa sheegay inaaney ku deg-degi karin wararka sheegaya in ciidamada Dowladda Federaalka Soomaaliya ay qeyb ka yihiin dagaal beeleedyada.
Wuxuu tilmaamay Xildhibaanka inay sameynayaan baaritaan deg deg ah oo ku aadan jiritaanka wararka sheegaya in ciidamo ka tirsan Dowladda Federaalka Soomaaliya ay qeyb ka yihiin dagaaladaasi ka holcaayo Gobalka Shabeelaha hoose.
Hadii ay jiraan jiritaanka wararka sheegaya in ciidamada Dowladda ay qeyb ka yihiin dagaalada, ayaa Xildhibaan C/naasir Gaarane wuxuu sheegay inay qaadayaan tallaabo ku aadan in Dowladda Soomaaliya oo ay kamid yihiin ay kula xisaabtamaan arimahaasi.
Xildhibaan Gaarane, ayaa dhanka kale xusay inay ka shaqeynayaan sidii dib udejin ay ugu sameyn lahaayeen qoysaskii kasoo barakacay Gobalka Shabeelaha Hoose ee dagaalka uu saameynta ku yeeshay.
Kasokoow hadalka Xildhibaan C/naasir Gaarane, waxaan shaki ku jirin in dagaalka ka dhacay Gobalka Shabeelaha Hoose ay qeyb ka ahaayeen ciidamo ka tirsan Dowladda Federaalka Soomaaliya oo huwanaa Shaati Qabiil, kuwaasi oo lakala safnaa labada Beelood ee Gobalkaasi ku dagaalamay.
Dowladda Soomaaliya oo masuul ka ah guud ahaan dalka ma aaney muujin ficil rasmi ah oo ku aadan dagaaladaasi, marka laga reebo cambaareyn ay ujeedisay dhinacyada Dagaalamaya