Ridwaan Xaaji Cabdi Weli Afhayeenka Golaha Xukuumadda Soomaaliya oo Warbaahinta la hadlay kadib kulan uu Maanta Goluhu ku yeeshay oo uu shir guddoominayay Ra’iisul Wasaare ku xigaanka Ridwaan Xirsi Max’ed ayaa waxa uu ka warbixiyay waxyaabhii ay kulanka kaga hadleen isagoo Xusay in ay ka mid ahaayeen arrimaha la xiriira ammaanka.
Afhayeenka ayaa dhanka kale Xusay in ay soo dhaweeyeen Goluhu go’aankii dowladda Mareykanka ee ku aadanaa in Safaaradooda ay dib uga furanayaan Soomaaliya taa oo uu ku tilmaamay Afhayeenku in ay Muujineyso sida dowladaha Caalamka ay ugu heelan yihiin dar dar gelinta horumarka Soomaaliya.
Ugu dambeyn Afhayeenka ayaa sheegay in Xukuumaddu ay ka go’antahay sugida iyo Xaqiijinta Nabad Gelyada dalka gaar ahaan Caasimadda Muqdisho.