Ugu yaraan 14 Ruux ayaa ku dhimatay, 11 kalena dhaawac ayaa ka soo gaaray Dagaal Culus oo maanta siyaabo kala duwan uga dhacay Degaano ka tirsan Degmada Balanbal ee Gobolka Galgaduud.
Dagaalkan oo ahaa mid Culus ayaa waxuu u dhaxeeyay Labo Beeleed oo Walaalo ah kuwaasi oo la tilmaamay in ay isku heystaan Ceel Biyoodyo iyo Dhulal waxaana Dagaalkooda ka dhashay Qasaaro kala duwan.
Goobjooge la hadlay Garoowenews Online ayaa sheegay in dhaawaca 11 Ruux la gaarsiiyay Isbitaalka Magaalada Balanbal Iyadoona halkaasi ay kku geeriyoodeen 3 ka mid ahaa 11-kii ku soo dhaawacmay Dagaalka.
Waxuu sidoo kale qeexay in Dagaalkan uu ka dhacay Degaano lagu kala magacaabo Shilanta Garas-gaabta Cila-buulale oo hoostaga Degmada Balanbal.
Waxgarad iyo Odayaa sidoo kale la hadlay Garoowenews ayaa ku baaqay in la joojiyo Dagaalada ka soo cusboonaaday Degaano ka tirsan Degmada Balanbal ee Gobolka Galgaduud.
Hadalka Odayaashan ayaa waxuu imaanayaa Iyadoo Dagaal Qasaaro isugu jiro dhimasho iyo dhaawac geystay uu labo Beel ku dhexmaray Degaano ka tirsan Degmada Balanbal ee Gobolka Galgaduud.