Kadib markii Ciidamada Booliska Kenya ay bilaabeen howlgallo loogu magaca daray Uslama watch ayaa waxuu saameyn ballaaran ku yeeshay Soomaalida ku dhaqan Magaalada Nairobi ee Dalka Kenya iyagoona Soomaalida meel waliba ka dhigay Banaanbaxyo looga soo horjeedo Dowladda Kenya.
Soomaalidan ayaa intooda badan waxey wataan boorar ay ku qoran yihiin in la joojiyo Tacdiyadaha ka dhanka ah Soomaalida ku dhaqan Magaalada Nairobi balse Kenya ayaa dhag jalaq u siin hadaladaasi waxaana ay sii wataan howlgalladooda ku aadan in Soomaalida dib loogu soo celiyo Magaalada Muqdisho.
Dhinaca kale, Maalmo ka hor waxaa Magaalada Nairobi soo gaaray Ra’iisul Wasaaraha Shiinaha Lii kaasi oo durbaba shaaca ka qaaday in Kenya uu ka taageeri doono dib u celinta Qaxootiga Soomaaliyeed balse waxaa la yaab ah waxa loo soo ceyrinayo Soomaalida.
1 (1) 1 (2) 1 (3) 1 (4) 1 (5) 1 (6) 1 (7) 1 (8) 1 (9) 1 (10) 1 (11) 1 (12) 1 (13) 1 (14) 1 (15)