Ciidamada DFS iyo Al Shabaab oo ku Dagaalamay Buurdhuubo

0
485

Waxaa la sheegaya in Ciidamada Dowladda Soomaaliya iyo Dagaal yahano ka tirsan Ururka Al Shabaab uu Dagaal faraha looga gubtay ku dhexmaray Magaalada Buurdhuubo ee Gobolka Gedo.

Sida uu Goobjooge u sheegay Garoowenews Online, Dagaalkan ayaa yimid kadib markii Al Shabaab Kooxo ka tirsan ay si gaadmo ah Weerar ugu soo qaadeen Saldhiga Ciidamada Dowladda ee Magaalada Buurdhuubo waxaana halkaasi ka dhashay Dagaal Culus.

Sidoo kale waxaa la tilmaamay in Dagaalkan ay ku geeriyoodeen ku dhawaad 3 Ruux oo dhinacyadii Dagaalamay ahaa Iyadoona ay jiraan dhaawacyo intaasi ka badan sida uu shaaciyay Goobjoogaha.

Magaalada Buurdhuubo ee Gobolka Gedo ayaa maalmahan dambe waxaa ku soo noq noqda Dagaalada qorsheysan ay ku soo qaadayaan Dagaal yahano ka tirsan Ururka Al Shabaab balse Saraakiisha Maamulka Gobolka ayaa tilmaamay in Al Shabaab laga ciribtirayo guud ahaan Gobolka.

Tan iyo markii Buur-dhuubo laga qabsaday Al-shabaab ayaa waxaa ay soo qaadayeen Weeraro gaadmo ah oo ay ku soo qaadayeen Fariisimaha Ciidamada Dowladda Soomaaliya iyo kuwa AMISOM.download-61