WASIIRKA GAASHAANDHIGGA OO LA KULAMAY ARDAYDA SOMALIYEED EE WAX KA BARATA DALKA SUDAN

0
446

Wasiirka Wasaarada Gaashaandhigga ee xukuumadda Federaalka Soomaaliya oo booqasho Rasmi ah ku jooga dalka Sudan ayaa kulan la qaatay Jaaliyadda iyo ardayda Soomaaliyeed ee wax ka barata dalkaasi.

Kulanka uu wasiirka Gaashaandhiga Jeneraal Maxamed Sheekh Xasan Xaamud uu la qaatay aradayda iyo jaaliyada Soomaaliyeed ee ku nool dalka Sudan ayaa waxaa goob joog ka ahaa Danjiraha Soomaaliya ee dalkaasi iyo saraakiil kale oo ka tirsan safaaradda.

Wasiirka Wasaarada Gaashaandhigga Jen. Maxamed Sheekh ayaa ardayda iyo jaaliyadda u sharaxay xaaladda dalku marayo, himilooyinka dowlada iyo howlgallada dalka looga xoreeynayo maleeshiyaadka Shabaab.

Sidoo kale wasiirka ayaa tilmaamay iney meel wanaagsan marayaan dib u dhiska ciidamada XDS sidaasi darteedna ay wasaaraddu dadaal balaaran ugu jirto dhameystirka wax kastoo ku saabsan baahida ciidanka.

General Maxamed Sheekh wasiirka Gaashaandhiga ayaa ardayda kula dardaarmay iney gacan ka geystaan badbaadinta dalka iyo dadka isagoo su’aalo uga jawaabay qaar ka mid ah ardayda oo wax ka weydiisay xaaladda dalka iyo howlaha wasaaradda.19993