Wakiilka Qaramada Midoobay u qaabilsan Sooamaliya Nicklos kay ayaa sheegay in Xarakada Shabaab ay daciiftay awoodooda lakiin qatartooda ay sii korartay .
Nicklos kay ayaa xusay in Ciidamada Midowga Africa iyo kuwa dowlada federaalka Soomaaliya oo iskaashanaya ay guulo la taaban karo ka soo hoyeen dagaalka lagu jiro Dhaq dhaqaaqa Shabaab ee Soomaaliya ka dagaalama.
“ AL-Shabaab way daciiftay awoodooda lakiin qatartooda waa ay sii siyaadday waayo waxa ay adeegsanayaan xeelado argigixiso ”. ayuu yiri Nicklos kay.
Wakiilka Qaramada Midooabay Soomaaliya u qaabilsan Kay ayaa intaasi ku daray in Ciidamada dowlada Soomaaliya iyo kuwa AMISOM ay Al-Shabaab kala wareegeen 11 magaalo oo ku kal yaallo Qaybo kala duwan oo Soomaaliya dhaca, isagoo tilmaamay in meeshii ugu fiicneyd uu marayo dagaalka ka dhanka ah Xarakada Al-Shabab laga soo bilaabo sanadkii 2007.
Kay ayaa ugu dambayn xusay in awoodda Al-Shabaab la wiiqay lakiin taasi badalkeedaa ay Xarakada Shabaab heleen hub iyo waxyaabo kale oo qarxa si ay ugu adeegsadaan dagaalka ka dhanka ah dowladda Soomaaliya , Ciidamada AMISOM iyo sidoo kale caalamka oo uu sheegay in Al-Shabab ay Qatar ku tahay ammaanka iyo xasiloonida dunida oo dhan.
Hadalka Nickhlos kay ayaa imaanaya xili dhawan uu sheegay in hadii ay sii socdaan Weerarada iyo dilalka qorshaysan ee Muqdisho ka dhaca ay soo dadajin karto in Diplomaasiyiinta, Shaqaalaha Qaramada Midoobay, iyo shaqaalaha Caalamiga ahba ay isaga baxaan dalka Soomaaliya iyagoo ammaankooda u baqaya.