AFAR RUUX OO KU GEERIYOODAY, KADIB MARKII MIINO LA KACDAY GAARI AY SAARNAAYEEN

0
494

Afar ruux ayaa ku geeriyootay shan kalena waa ay ku dhaawacmen qarax miino oo gaari ku haleelay deegaanka Dhabad oo ka tirsan Gobalka Galgaduud sida uu Idaacada Risaala uxaqiijiyay Guddoomiyaha deegaankaasi.
Qaraxan ayaa wuxuu haleelay gaari noociisa uu yahay Homy oo halkaasi maraye, waxaana dadka dhaawacmay xaaladooda caafimaad lagu dabiibayaa isbitaalka deegaanka Dhabad.

Guddoomiyaha deegaanka Dhabad ayaa qaraxaasi ku sheegay inuu yahay miino xilli hore lagu aasay deegaanka, taasi oo iminka gaarigaan ay haleeshay.

Dhamaan dadka geeriyooday iyo kuwa dhaawacmay, ayaa waxa ay ahaayeen dad shacab ah oo saarnaa, gaariga qaraxa uu haleelay.

Deeganada Gobalada dalka Soomaaliya gaar ahaan goobihii ay ku dagaalameen ciidankii maxaakiimta iyo ciidamada Itoobiyaanka ayaa waxaa ku jira miinooyin halkaasi lagu aasay oo dadka dhibaato ay kasoo gaadho.
19990 (1)