Sarkaalkan ka tirsanaa dagaalyahanada alshabaab ayaa la qabtey kadib markii uu dhacey weerarki lagu qaadey guri ku yaal degmada baraawe ee gobolka sh/hose.
Waxaana lagu eedeynayaa in uu ka danbeeyey weerarka uuna u basaasayey dawlado ajnebi kufaar ah wuxuuna weerarku ku dhacey guri ay degenaayeen rag alshabaab ah oo dawlada kenya kasoo jeeda,weerarka ayaa waxaa sheegtey dawlada mareykanka khasaaraha lama oga iyo cidda wax ku noqotey hase yeeshee sarkaalkan ayaa sida aan warar hoose ku helney la doonayey in maanta la toogto balse dib u dhac ayaa ku yimid waxaana la filayaa in alshabaab ay ku fuliyaan xukun dil ah beryaha soo socda.
Maahan markii ugu horeysey oo ay alshabaab toogtaan dad ay ku eedeynayaan basaasnimo iyo waxa ay dhahaan jaajuus gaalo,waxeyna tani imaneysaa iyadoo mareykanku sheegeen in ay weerareen guri uu degenaa abu zubeyr hugaamiyaha dagaalyahanada alshabaab lana yiraa Axmed godane.