Werarkan isugu jirey cirka iyo dhulka ayaa xaley lagu qaadey degmada Baraawe ee gobolka sh/hoose,iyadoo ay qaadeen ciidamo kuwa marineska reer galbeedka ah waxeyna sida la sheegayo weerareen guri ku yiil Baraawe oo ay sheegeen in uu deganaa hugaamiyaha dagaalyahanada Alshabaab sh.muqtaar abu zubeyr.
Ciidamada marineska ah ee ka dagaalamayey dhulka ayaa waxaa la socdey duqeyn cirka ah,mana shaacin cid ay kusoo qabteen hawlgalkaas,dhanka kale dagaalyahanada alshabaab ayaa sheegey in ay iska caabiyeen weerar xaley lagu soo qaadey oo ay isugu tageen gaalo ka socota dawlado badan waa sida ay hadalka u dhaheene,ayna ku fashilmeen danihii ay duulaanka usoo qaadeen iyadoo sida ay sheegeen ceyrsadey ilaa ay uga baxsadeen doonyo ay xaga badda kaga soo dageen,iyaguna masheegin wax dhimasho iyo dhaawac ah kuwii weerarka soo qaadey iyo dhinaca dagaalyahanada Alshabaab midkoodna.
Maahan markii ugu horeysey ee ay ogaal la’aan weeraraan ciidamo huwan isbaheystey gudaha dalka soomaaliya mana jirto dawlad ka hadasha oo ilaalisa ama u hadasha madax banaanida dalka soomaaliya,waxeyna tani imaneysaa xilli dhawaan weerar lagu qaadey xarun ganacsi oo ku taal nairobi dalka kenya taas oo loo yaqiin westgate mall,iyadoon dawlada kenya ilaa hadda heyn meydadka dad ka badan lixdan qof oo xarunta lagu dhexheystey iyo kuwii suuqa soo weerarey taas oo u muuqata fadeexad ay wajaheyso xukuumada dalka kenya ka dhisan.