Magaalada muqdisho oo jidgooyo awgeed loo kala socon waayey waa maxey sabata?

0
490

Magaalada muqdisho ayaa ku soo toostey jidgooyooyin meel kasta u yaal ciidamada amniga,kuwaas oo aan ogoleyn kuna xisaabtameyn qofku waxa uu u socdo iyo waxa uu yahey,waxaana la arkayey xildhibaano laga celinayo shaqada iyo fadhiga barlamaanka.

Ilaa hadda lama garanayo waxa ka danbeeya jidgooyooyin beryo laga nastey,waxaadna moodaa in ciidamada amnigu itaalkoodu noqdey in ay shacabka kululeeyaan,marka laga sugayo hawl amnigooda khuseeya,waana nasiib darro in ciidamada amnigu bulshada dhibkeeda shaqo uga dhigeen.

Maahan mid cusub oo muqdisho aragto jidgooyo kala nuuc ah sida mida mooryaanta ama mida gashan shaarka dawlada hase yeeshee waxey tani kusoo beegmeysaa iyadoo laga baqayo ficillada argagixiso sida tii ka dhacdey westgate mall ee nairobi dalka kenya,taas oo maanta lagu xalaaleysto maalka iyo muruqa qofka shacabka ah.