Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud oo ka qeyb galey Tababar loo furey saraakiil boliska somalia ka tirsan.

0
490

Madaxweynaha jamhuuriyada federalka prof. Xasan Sheekh Maxamuud ayaa ka qeyb galey saraakiil boolis ah oo tababar loo furayey,waxaana sidoo kale munaasabada kasoo qeyb galey wasirka arrimaha gudaha iyo amniga qaranka c/karim xuseen guuled,taliyaha ciidanka boliska soomaaliyeed gen. Saacid,saraakiil,fanaaniin,warbaahinta iyo marti sharaf kale oo goobta lagu casumey.

Ugu horeyn waxaa warbixin la xiriirta saraakiisha boliska soo jeediyey gen.Saacid taliyaha ciidanka boliska somaaliyeed,waxaa isna gobta ka hadley wasirka arrimaha gudaha iyo amniga qaranka c/karim xusen guuleed oo ammaaney hawsha ay ciidamada bolisku hayaan,iyagoon heysan qalabkii loogu talagaley.

Ugu danbeyntiina waxaa munaasabada soo gabangabeeyey madaxweynaha soomaaliya prof. Xasan Sheekh Maxamuud oo isna aad ugu dheeraadey ammaan iyo bogaadin uu ciidanku leeyahey,hase yeeshee ay wali naga dhimantahey aqoonti taas oo diyaar loo yahey in gacan nalaka siiyo ee waa in aad qaranka uga faa’iideysaan wixii aad halkan ka barataan,isagoo hosta ka xariiqey in aqoontu tahey furaha wax qabadka wax kasta oo la qabto xitaa Xamaali ha ahaadee,iyadoo munaasabadu kusoo afjarantey jawi hagaagsan,marka laga reebo ciriiri dadweynuhu la kulmeen oo xaga gaadiidka iyo waddooyinka ah.