Maamulka KMG ee jubba oo qaadacey shir la filayey in uu muqdisho ka dhaco bishan shanteeda.

0
462

Iyadoo la filayey in bishan october shanteeda uu ka furmo shirka dib u heshiinta beelaha jubba ayaa waxaa shirkaas qaadacey ururka Raaskamboodi oo gacanta ku haya gobolka jubada hose.

Macalim maxamed ibraahim oo ah gud.ururka raskambodi ayaa ku dhawaaqey in aaney cidina uga qeyb galeyn shirkaas isagoo ku dhaliiley xukuumadda sida ay wax u dhistey ama loo qeybiyey ergooyinka shirka kasoo qeyb geli lahaa.

Dhanka kale waxaa iyana maanta aragtida macalim Maxamed ibraahim qaatey sheegeyna in ay taageersanyihiin odey dhaqameedyo taabacsan maamulka kmg ee jubba kuwaasoo caddeeyey in aysan ka qeyb galeyn shirka la yiri wuxuu muqdisho ka dhacayaa bisha october shanteeda.

Lama oga khilaafka hada cusboonaadey waxa uu keenidoono wuxuuse murankani kusoo beegmayaa xilli dhawaan heshiis lagu soo gaarey magaalada adisababa dalka ithiopia.