Wararka naga soo gaaraya dalka talyaaniga ayaa sheegaya Doon sidey dad tahriibayaal ah in ay gadoontey dabadeedna uu dab qabsadey iyadoo ay ku dhinteen dad ku dhaw ilaa 200 qof halka qaar kalena la badbaadshey.
Tahriibayaasha ayaa kuligood afrika kasoo jeeda lamana kala sheegin wadamada ay ka kala yimaadeen hase yeeshee lama garanayo waxa looga qaxayo qaaradan hodanka ah oo loogu cararayo arlo kheyraadkii laga dhameystey.
Maahan markii ugu horeysey ee tahriibayaal ay ku dhamaadaan badaha caalamka hase yeeshee tani waxey imaneysaa iyadoo ra’iisal wasaraha talyaanigu ku dhawaaqey maalin qaran oo baroordiiq ah,iyadoo dadkaas badda ku dhamaadey u muujinaya in aysan raali ka heyn in ay badda ku dhintaan.