Xaflad Balaaran oo ay ka soo qeyb galeen aqoonyahano, Arday, ururada bulshada rayidka, madaxda Jaamacada iyo marti sharaf kale ayaa waxaa maanta lagu qabtay Xarunta Jaamacada SAVANNAH ee magaalada Muqdisho Iyadoona Munaasabadaasi lagu soo bandhigay heshiis la xiriira iskaashi dhinaca waxbarashada ah oo ay wada galeen Jaamacada Savannah oo ka mid ah Jaamacadaha ka jira dalka iyo Jaamacadda Jomo Kenyatta ee dalka Kenya.
Munaasabada Ayaa Waxaa ka hadlay xubno kala gedisan oo uu ka mid ahaa gudoomiyaha Jaamacada SAVANNAH Prof. Maxamed C/wali Shiikh Yuusuf isagoona faahfaahin ka bixiyey heshiiska ay wada galeen Jaamacada Jomo Kenyatta.
“Heshiiska ay wada galeen labada Jaamacadood ayaa waxaa uu dhigayaa in jaamacada Jomo Kenyatta ay jaamacada Savannah ka caawiso shahaadada Master degree si ardayda Soomaaliyeed loogu fududeeyo iyagoo dalkooda jooga iney qaab Online ah masterka uga qaataan Jaamacada Jomo Kenyatta.